Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakii labo cisho ku xanibnaa garoonka Kismaayo oo dib loogu celiyey Muqdisho

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo laga dhoofiyey labadii Sarkaal ee Xamar laga direy kuwaasoo labadii bari ee u dambeysey ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Axmed Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim ayaa maanta Xamar lagu celiyey kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u  magacowdey Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Jubbaland, waxaana u diiday iney galaan Kismaayo maamulka Jubbaland taasoo keentey in ay labo habeen ku baryaan garoonka Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  ayaa sheegay in magacaabista saraakiishan lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Kismaayo aan lagala tashan maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismaha Waddo isku xirta Muqdisho Stadiom iyo isgooska Folorensa oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashadii ugu adkeyd oo ka dhaceysa Hirshabelle iyo Cali Guudlaawe oo ka hadlay

Caydiid Ali

Xulka Qadar oo caawa si Xarako leh ugu guuleestay Asian Cup (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---