Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ilhan Cumar oo lagu dhaliilay taageero ay u muujisay Mid ka mid ah dalalka Islaamka

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku gacan seyrtay inay u codeyso qaraar la doonayay in dil ka dhacay Armenia oo ay ka dambeeyeen dowladii Cusmaaniyiinta xasuuq loo aqoonsado.

Ilhaan ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas la qaadayo lagu soo daro xasuuqyadii taariikhiga ahaa ee horay u dhacay.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota, ayaa ka mid ahayd saddex xildhibaan oo diiday in ay arrintaas taageeraan, iyadoo qaraarkan uu meel maray, waxaana taageeray 405 xildhibaan, halka 12 kalena ay ka aamuseen.

Ilhaan oo markii ay codbixinta qaraarkaas dhamaatay hadashay ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah, balse isla xisaabtanka iyo in dhacdo loo aqoonsado xasuuqa in aysan noqonin ul siyaasadeed oo lagu dagaalamo.

“Waa in qiimeynta lagu saleeyaa qaab cilmiyadeysan, kana baxsan hardanka siyaasadeed ee gobolka”, ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa u muuqatay in arrintan ay la xiriirneyso xiisadda isa soo tareysa ee duullaanka Turkiga uu ka wado wadanka Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka Jabhadda ONLF oo ka degay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo Tijaabiyay Gantaal Casri ah oo Xawaarihiisu Codka ka dheereeyo

Cabdi Cade

Xildhibaan adeeg xumada Hindiya barbar dhigay tan Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---