Jabuuti oo ka hadashay sida uu noqon doono xiriirka ay la leedahay dowlada Somalia

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii ahaan doono mid xooggan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wada hadalka uu la leeyahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu dib u xaqiijin doono adkeynta xiriirka labada dowladood.

Waxaa uu sheegay inuu haatan meesha ka baxay mad-madowgii galay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dabayaaqadii bishii July ayey aheyd markii uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka Eritrea, taasoo keentay in dowladda Jabuuti ay si kulul uga soo horjeesatay hadal ay sheegtay in Farmaajo uu ku taageeray in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -