Raila Odinga oo ka hadlay Weerarka lagu qaaday beerta Kenyatta iyo Cidda ka dambeesay

Waxaa shalay weerar xooggan lagu qaaday beer uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ,xilli shalay bannaan baxyo rabshado watay ka dhaceen qeybo kamid ah dalka Kenya.

Kooxda weerartay beerta madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horey u qaatay boqolaal neef oo ku xareesnaa beerta, waxa ay sidoo kale dab qabadsiiyeen qeybo kamid ah beertaasi.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka shalay lagu qaaday beerta Uhuru ,waxa uuna weerarkaasi ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen taageerayaasha madaxweynaha talada haya.

Raila Odinga ayaa sheegay in weerarkan u muuqdo mid  looga aargoosanayo taageerada uu Uhuru Kenyatta u muujiyay dibad baxyada ay dhigayaan taageerayaasha mucaaradka ,waxa uuna dowladda ku eedeeyay in dibad baxooda u bedeleen rabshado iyo dhac.

Waxa uu sheegay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya in lasoo weeraray dimuquraadiyadii Kenya, waxa uuna xusay in dalka hadda qarka u saaran yahay in musiibo ka dhacdo , waxa uuna ciidanka dowladda ka gaabiyeen sugida amniga beerta Uhuru Kenyatta.

“Waxaa la yaab lahayd in boolis aysan joogin goobtaasi, sidoo kale waxaa kooxo qas wadayaal ah loo diray shirkad aan aniga leeyahay, dhagxaan ayay la dhaceen, waxaan aragnaa in hay’adaheenii dimuqraaddiyadda uu weerar ku socdo isla markana Kenya ay qarka u saaran tahay musiibo halis ah,” ayuu yiri Raila Odinga.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay maal mihii lasoo dhaafay dibad baxyo looga soo horjeeday dowladda madaxweyne William Rutu, waxaana bannaan baxyadan hoggaaminayay hoggaamiyha mucaardak akEnya Raila Odinga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -