Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo mar kale Hanjabaad u diray dadka carqaladeenaya Doorashada

Safaarada dowladda Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa qoraal kasoo baxay waxa ay uga digtay in la carqaladeeyo hanaanka Doorashada xildhibaanasa gollaha shacabka ee dalka ka socota.

Qoraalka safaaradda Mareykanka kasoo baxay ayaa mar kale loogu baaqday Madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in doorashada Baarlamaanka federaalka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo.

Safaarada Mareykanka ayaana ku hanjabtay in ay la xisaabtami doonaan cidii carqalad ku noqota hannaanka ay doorashada xilliga ku socoto.

“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa hannaanka doorashada”ayaa lagu yiri Qoraalka Twitterka ee Safaaradda Mareykank ee Muqdisho.

Qoraalkan kasoo baxay safaarada dowladda Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Mareykanka horey ugu hanjabtay in tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo carqalad ku noqota doorashada.

https://www.youtube.com/watch?v=Ouxby0mKxoI

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Deni (Maxaa laga wada hadlay)

Caydiid Ali

Israa’iil oo loogu deeqay Gantaal loogu magacdaray Naarta Jahannamo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan miro dhal ah la yeeshay Madaxweyne Ruto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---