Sambalooshe oo hal arrin ku dhaliilay qorshada wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu heer gebagebo ah marayo qorshaha wejiga labaad ee guluf dagaal lagu qaado Al-Shabaab.

Taliyihii hore ee nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka digay in howlgallada cusub ee ka dhanka ah Al-shabaab ay fashilmi karaan, sababo la xiriira inaan dadka deegaanka laga talo-gelin.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ku billaabeyso wejiga labaad ee dagaalka.

“Dowladda waxay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi koowaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka, kaasoo laga gaaray guul wax ku ool ah” ayuu yiri Sanbaloolshe

Waxa uu sheegay in wejiga labaad ee dagaalka uu hoos u dhac ku yimid marka la eego dhanka la-socodka bulshada gudaha iyo dibadda, ka qeyb-galka qabaa’ilka iyo dhinacyadii kale ee qeybta ka ahaa dagaalka wejigiisa hore.

“Waxaa u weyna ee dagaalka wejigiisa hore guusha keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda keligeede hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka yimaada, hadii la rabo in wejiga labaad ee howlgalka guul laga gaaro waa inaan laga leexan dariiqii uu ku socday wejigii hore” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Sambaloolshe ayaa sheegay in qorshada wejioga labaad ay dowladu dooneyso iney hoos u dhigto doorka qabaailka iyo dadka degaanka, taasoo ah nuu yiri arrin wax u dhimeysa in guul la taaban karo laga gaaro

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -