Guddoomiyaha Bangiga Dhaxe oo la bedelayo iyo Haweeney Dhaqaalo yaqaan ah oo…

Sida ilo ku dhow Madaxweynaha oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka tirsan guddiga dhaqaalaha qaranka laga soo xigtay, waxaa Guddoomiyaha Bankiga oo kol hore sifo aan tartan sax ahayn oo fadeexad ah kadib uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu waqtigiisa ku eg yahay 4ta bisha April ee sanadkaan 2023.

Guddoomiyaha oo mudadii 4ta sanno ahayd aan wax badan ka qabanin arrimaha waa weyn ee hortabinta u leh Bankiga sida Daabacaadda lacagta cusub, furidda laamihii Bankiga ee goboladda, deyn cafinta iyo siyaasadda dhaqaale ee dalka ayaa xusul duub ugu jiro in uu dib u hantiyo 4sanno oo kale balse, waxaa ilo xog ogaal ah iyo xubno sarre oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha sida la taliyeyaasha dhaqaalaha ee madaxweynaha iyo xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamsaba ay sheegeen in dhowr qof laga fikirayo in ay baddali doonaan guddoomiyaha waqtigiisa dhamaaday ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Waxaa musharixiinta xilka guddoomiyaha Bankiga dhexe ugu horeeya tartankiisa 2 xubnood oo qof haweeneey ah oo dhaqaale yahan ah heysatana shahaadada PhD oo kasoo jeedda maamulka Puntland ay noqon karto in lagu baddalo si loo qanciyo cabashada iyo awood qaybsiga dalka oo madaxweynaha Maamulka Puntland uu aragtidiisa ka qabo Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay isku soo dhawaasho keento.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in kadib shirar ay yeesheen siyaasiyiinta iyo xildhibaanada reer koonfur galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo siyaasiyiinta maamulka koonfur galbeed oo ugu horeeyo madaxweyne Laftagareen ay dadaal badan iyo waqtiba gelinayaan in kursiga Guddoomiyaha Bankiga dhexe markii ugu horeeysay la geeyo aqoonyahan reer Koonfur galbeed ah oo hore uga tirsanaa guddiga dhaqaalaha qaranka, lataliye sare usoo noqday wasiirkii hore ee maaliyadda isla markaana ah qof shahaadada PhD ka heysta dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadda.

Ugu dambayntii, madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ayaa dhowraya in uu si rasmi ah u dhamaado waqtiga xilka uu haynayo guddoomiyaha oo ku eg 4ta bisha April, 2023.

Waxaana markaas kadib u yaalo In si deg deg ah uu wasiirka maaliyadda usoo jeediyo qofka beddelayo guddoomiyaha oo golaha wasiiradda la horgeyn doono 6da bisha April oo ansixintiisa kadibna la rajaynayo in ugu dambayn uu bishaan Ramadaan si dhamaystiran u howlgalo.

 

- Advertisement -