Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo si dabacsan uga hadashay Xiriirka ay u jartay Dowlada Soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhaxe shaacisay in ay xiriirka u jartay dowlada Kenya, waxa ayna dowlada ku amartay Diblumaasiyiinta Kenya ee jooga Soomaaliya mudo 7-cisho ah dalka uga baxaan.

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna, oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dowlada Kenya guddi u saartay xalinta Khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Cyrus Oguna, in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sanadihii lasoo dhaafay ka dhaxeeyay xiriir aad u wanaagsan, waxa uuna xusay in muhiim tahay in la ilaaliyo xiriirka soo jireenka ah.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah, waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan.” Ayuu yiri AFhayeenka u hadlay dowlada Kenya .

Warkan kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili Dowlada Soomaaliya shaacisay in ay xiriirka u jartay dowlada Kenya ay ku eedeesay in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo amar bixiyey ka dib Cabasho ka timid Shirkadaha..

Caydiid Ali

Gudoomiye Mursal oo kahor yimid Doorasho Dadban weerar afka ahna ku qaaday kuxigeenkiisa

Cabdi Cade

Buugga Hagaha Ganacsiga oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---