Allbanaadir.com
NEWS

Wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni oo go’aan ka qaatay shaqada uu dalkiisa u hayo

Wiilka curadka u ah Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni loona diyaarinayo in uu bedelo aabihiis ayaa shaaca ka qaaday in uu ka fariisanayo shaqada ciidanimo uu kusoo jiray muddo ku dhaw sodan sanno.

Muhoozi Kainerugaba oo ah jeneraal katirsan milatariga dalka Uganda ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay inta uu ciidanka katirsanaa, waxa uuna hadda go’aansaday in uu isaga fadhiisto shaqada ciidanka .

Qoraal uu soo saaray wiilka madaxweynaha Uganda ayuu ku sheegay in shaqada ciidanka qaranka dalkan Uganda ee UPDF ka fadhiisan doono sannadkan, mana shaacin shaqada kale uu u wareegsan doono marka uu ciidanka ka fariisto.

Wiilkan awoodda badan ayaa horey bartiisa Twitterka ugu shaaciyay in uu u tartami doono xilka madaxtinimada Uganda sannadka 2026-ka, hasa ahaatee qoraalkan ayuu mar dambe ka masaxay bartiisa gaarka ah.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa la rumeesan yahay in u diyaarinayo wiilkiisa curadka ah in uu xilka kala wareego, waxaana wiilkan hadda u muuqdaa mid u diyaarsan hoggaaminta dalka Uganda ,inakstoo marar badan hadaladiisa xiisado dhaliyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale & Masuuliyiin kale oo kormeeray degmooyin amni xumo ku caan baxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia oo xilka iska casilay

Caydiid Ali

Xildhibaanada labada aqal oo dood kale ka yeeshay Cutubka labaad ee dastuurka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---