Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale & Masuuliyiin kale oo kormeeray degmooyin amni xumo ku caan baxay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa caawa kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida xaalada amniga Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha Amniga, maamulada degmooyinka iyo bulshada.

Waxaa goobaha la kormeeray ka mid ahaa Degmooyinka xiga galbeedka ee Muqdisho gaar ahaan Saldhiga cusub ee Degmada Kaxda iyo Saldhig Galbeed ee Degmada Dharkeynley halkaasoo ay ku diyaarsanaayeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Cali Xagaay oo caawa Kormeeray Degmooyinka xiga duleedka Muqdisho ayaa tilmaamay in DFS ay ka go’an tahay ciribtirka cid kaste oo halis ku ah Amniga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay Ciidanka Amniga in ay si hufan u wada shaqeeyaan isla markaana si dabacsan loola dhaqmo Shacabka.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidamada qalabka sida sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin Sugida Amniga Magaaladam isagoo kula dardaarmay iney si naxariis dao ah ula dagaalamaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax loo adeegsaday Gaari Ambalaas ah oo dad badan ku dilay Kabul (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi Caan ah oo shaaciyay in Ciidanka booliiska hayeen Xogta weerarkii xalay dhacay

Cabdi Cade

Madaxda Maamul goboleedyada ku kacsan DF oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---