Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Shukri Saalax oo saakay geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiisa

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa saakay ku geeriyooday Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo katirsana baarlamaanka dowladda goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan shacabka ree Jubaland, xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi.

Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi ayaa maalmahii lasoo dhaafay xanuun wax laga qaban waayay lasoo darsay, isagoo Saakay xanuunkii hayay ugu geeriyooday Magaalada Kismaayo .

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, qaraabadii iyo Saxiibadii uu ka baxay maruuxmku, isagoo alle uga baryay in uu naxariistii jano ha waraabiyo marxuumka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga xallinta Khilafaadka arrimaha Gobolka Gedo oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddoomiye degmo oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la Magacaabay

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo Howlgal ka sameeyay Wado aan la marin mudo 7-sano ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---