Nin ku noolaa cunista Qumbaha muddo 28 sannadood ah iyo Sababta ku kaliftay

Balakrishnan Palayi, oo ah nin Hindi ah oo ku nool Kasaragod wuxuu sheegtaa inuusan cunin wax aan ka ahayn geedka qunbaha la yiraahdo muddo 28 sannadood ah si uu isaga daaweeyo xanuunka laabjeexa ama gaaska.

Way adag tahay qofku inuu wax kaliya cunidooda qabatimo, laakiin dad badan sida Palayi waxay geesta kale ee nolosha naga tusi karaan in lagu noolaan karo hal cunno – lagana caaganaan karo cunnooyinka kale oo idil. Caafimaadkiisu waa boqolkiiba boqol. Xanuunka laabjeexa oo ku dhacay soddon sannadood kahor ayuu la golongolay ilaa uu markii dambe ka bilaabay cunidda qumbaha si uu – sida uu yiri – iskaga daweeyo gaaska.

Sida hubaasha, qumbaha waxaa ku dhilan nafaqooyin badan oo jirka qofka muhiim u ah. Isaga oo 35 jir ayuu sheegay inuu soo bilaabay cunista qumbaha oo uu daa’imay ilaa maanta oo uu 60 jir kor usii dhaafay.

“Maalin walba ayaa cunaa qumbaha, reerkayguna hadda waxay ii beeraan geedkiisa si aan ugu noolaado,” ayuu yiri.

Hadda oo 64 jir uu noqday, wuxuu caafimaadkiisu ka fiican yahay kuwo badan. Wuxuu sameeyaa jirdhis iyo socod maalin walba, wuxuuna qeyb ka yahay shaqada ka socta beerta reerku leeyahay.

In kasta oo sheekadiisu ay soo caan baxday sannadkii 2019-ka, sidoo kalana laga waayay wax xanuun ama cudur ah, haddana dhaqtar Tushar Tayal wuxuu ku talinayaa inuusan qof kale sameynin tijaabadan oo kale oo aanu naftiisa ku gaaryeelin cunnada hal shey oo qura.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -