Guddiga xallinta Khilafaadka arrimaha Gobolka Gedo oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa xarunta Madaxtooyada ku meelgaarka ee Jubbaland ku qaabilay Guddiga xallinta khilafaadka arrimaha Gobolka Gedo ee uu magacaabay RW Rooble oo maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa yimid magaalada Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa guddiga uga warbixiyay marxalidihii ay soo martay Jubbaland iyo dadaallada lagu bixiyay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha ka taagan gobolka Gedo iyo waxyaalo badan oo loogu tanaasulay si xal loogu helo arrimaha dooraahooyinka qaran si looga baaqsado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka.

Guddigan ayaa magaalada Garbahaarey kula soo kulmay waxgaradka iyo maamulka magaalada ee raacsan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyey liiska afar musharax oo u sharaxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka magaalada.

Axmed Madoobe oo hadda ka maqan magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu magacaabo Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku xigeenkiisa, sida uu qorayo heshiiskii labaad ee Doorashada, si ay suuragal u noqoto in magaaladaasi ay ka dhacdo Doorasho, loona geeyo Guddiga Doorashada ciidamo ka socda Booliska AMISOM.

Xubnaha ay xilka maamulka magaalada Garbahaarey u soo sharaxeen odayaasha iyo maamulka dowladda Federaalka hoostaga ee Gobolka Gedo ayaa kala ah:

Guddoomiyaha Garbahaarey:
1- Nuur Muxumed Jaamac
2- Cali Xashi Diiriye

Guddoomiye Ku-xigeenka:
1- Xuseen Baniin
2- Aadan Cismaan Nuur

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -