Ciidanka dowlada oo Howlgal ka sameeyay Wado aan la marin mudo 7-sano ah (Daawo Sawirada)

Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay wadada Isku xirta Deegaanka No-50 ilaa magaalada Marka oo mudo 7-sano ku dhaw aan la marin.

Holgalka ay ciidanka ka sameeyeen Wadada isku xirta KM-50 ilaa magaalada Marka ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa sidii wadadaasi oo mudo dheer xirneed loo furi lahaa sidoo kale looga saari lahaa miinooyin horey loogu aasay.

Ciidamada Milatariga ayaa intii uu howlgalka socday waxa ay wadadaasi kasoo saareen miinooyin lagu aasay, miinooyinkan ayaana ahaa kuwa horey loogu aasay qeybop kamid ah wadada xariirisa Magaalada Marka iyo deegaanka KM-5-.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali (Gaashaan) ayaa sheegay in Wadada isku xirta Marka iyo Afgooye Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka ay si Nabad ah ugu safri karaan.

Wadadan ay hada howlgalka ka sameeyeen ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaan la marin sanado badan, waxaana wadadan xirnaashaheeda sabab u ahaa dagaalo qabiil iyo sidoo kale miinooyin lagu aasay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -