Somaliland oo ku dhawaaqday in ay qaadayaan Dagaal qorsheesan oo ka dhan ah Puntland

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan dagaal qorsheesan oo ka dhan ah ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada kale ee dagaalka kula jira ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Bari.

Afhayeenka ciidamada  milatariga Somaliland Cabdi Cabdullaahu Xasan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankooda marar badan weerar lagu soo qaaday iyaga oo ilaalinayay xabbad joojintii ay horey ugu dhawaaqeen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in hadda kaddib aysan gacmaha laaban doonin, isagoona ku goodiyay in ay qaadi doonaan dagaal milatari oo qosheesan kana dhan ah ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood.

”Haddii aan in badan gacmaha laabanay oon sugeynay weerar nalagu soo qaado, hadda annaga ayaa weerar qaadi doona , wax badan ayaan gacmaha laabanay , balse markan weerar qorsheesan oo milatari ayaan ku qaadi doonaa ciidamada Puntland iyo kuwa la socda” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeenka ciidamada Somaliland ayaa ugu baaqay dadka iyo ciidamada qabiil ahaan gurmadka ugu yimid magaalada Laascaanood in ay dib ugu laabtaan deegaannadooda, haddii kale ay ka qaado doonaan tallaabooyin adag.

Hanjabaadan adag ee kasoo yeertay maamulka Somaliland ayaa imaaneysa xilli ay horey u sheegeen maamulkaasi in aysan duullaan aheyn, balse ku jiraan is difaac, lamana oga duullaanka ay qorsheeyeen Somaliland waxa uu ka bedeli doono xaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -