Degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ka baxay gacanta Al-shabaab & Gudoomiye Cali Jeyte oo..

Ciidamo DF iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay degaano hoostaga Degmada jalalaqsi gobolka hiiraan oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab

Degaannada ay la wareegeen waxaa ka mid ah,  Qurcaley, Jabiley iyo degaano kale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan sida aay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan.

Ciidamada oo ku hubeysan gaadiid dagaal iyo hub kale oo culus ayaa weli howlgallada sii wada, iyagoo ku wajahan degaano kale oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale ayaa ku laabtay magaalada Beledweyne ka dib hawlo shaqo oo uu ugu maqnaa dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Cali Jeyte Cismaan ayaa shacabka Reer hiiraan ugu baaqay iney u diyaar garoobaan wejiga labaad dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay inuu dhowaan dalka ka bilaaban doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -