Soomaaliya iyo Masar oo yeelanaya Iskaashi dhinaca Ciidanka (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Wasaarada Gaashaandhiga dalka Masar, wafdigan  waxaa soo dhaweeyay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo katirsan Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Adan Cilmi Indha Qarshe ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay wafdigan ka socday Wasaarada Gaashaandhiga dalka Masar, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo kala duwan oo muhiim ahaa.

Sareeye Gaas Daahir Indha Qarshe ayaa sheegay in Wafdiga ka socday dalka Masar kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhinaca ciidanka, waxa uuna sheegay in ay ku heshiiyeen sidii ay iskaashi dhaw u yeelan lahaayeen Masar iyo Soomaaliya.

Wafdiga ka socday Wasaarada Gaashaandhiga dalka Masar ayaa dhankooda ka mahad  celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxa ayna balan qaadeen in Masar gacan ka geesan doonto taageerida ciidanka Xooga Soomaaliyeed gaar ahaan dhinaca tababarada .

- Advertisement -