Dhurre Yuusuf Garow oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta ku kaliftay

Waxaa sii kordhaya dagaalyahanada katirsan Al Shabaab ee kasoo goosanaya kooxdaasi oo xilligan wajaheysa duullaan adag oo kaga imaanaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Dhurre Yuusuf Garow oo magaciisa Af-garashada ee looxda Al Shabaab uu ahaa Hilaal ayaa kasoo goostay kooxdaasi, waxa uuna ninkan isku dhiibay ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigooda yahay gobolada Baay iyo Bakool.

Ninkan oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in muddo sannado ah katirsanaa kooxdaasi kana mid ahaa kooxda jabhadaha, waxa uuna Dhurre Yuusuf sheegay in si iskiis ah u go’aansaday in uu kasoo tago Al Shabaab iskuna dhiibo ciidanka dowladda.

Waxa uu  sheegey ninkan kasoo goostay Al Shabaab in sababta ku kaliftey in kooxdaasi  isaga soo baxo ay tahay dhibaatada dhexdooda ka jirta iyo ay ka been sheegeen Diinta Islaamka.

Dhure Yuusuf ayaa ugu baaqay dhallinyarada kale ee katirsan kooxda Al Shabaab in ay isaga soo baxaan kooxdaasi iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxa uuna xusay in Al Shabaab dhankeeda aysan oolin iyo wax loo dagaalamo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigtay dagaalyahano kasoo goostay kooxda Al Shabaab, kuwaa oo loo gudbiyay xarumaha dowladda ugu tala gashay in lagu dhaqan celiyo xubnaha kasoo laabta fikirka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -