Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Dowlada Qatar oo balan-qaad muhiim ah u sameysay Booliska Somalia

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameriko) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Qatar.

Taliyaha iyo Safiirka, ayaa si gaar ah uga wada hadlay siddii dawladda Qatar uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u dayactirka qaar ka mid ah Xarumaha Booliska ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa sheegay in Dawladdiisa ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato Horumarka dalka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa uga mahad celiyey Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey.

“Waxaan kulan la qaatay Safiirka dawladda Qatar ee Soomaaliya oo aan kala hadlay inay garab nagu siiyaan dadaalka aan ugu jirno dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhanka tababarada iyo qalabka, Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu iigu soo dhaweeyey Xarunta Safaaradda Qatar ee Soomaaliya” ayuu yiri taliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso) Labo arrimood oo la sheeg iney caqabad ku yihiin shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Milatariga Soomaaliya oo la dilay iyo ninkii dilay oo isna la toogtay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---