Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay ka dhacay isgooska Ifka Xalane, gaar ahaan halka ay ku taallo xaruntii hore ee dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar.

Sida aan wararka ku helnay gaari nuuciisa yahay Layla Calaawi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay darbiga xaruntii hore ee dhul-bixinta, halkaas ay fariisin ku leeyihiin ciidanka xasilinta .

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in gaariga inta uusan qarxin kahor ay rasaas ku fureen, waxa uuna gaariga oo si xowli ah ku socday markii dambe ku qarxay darbiga xaruntii hore ee dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay qaraxan is-miidaaminta ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo ku sugnaa goobnta uu qaraxu ka dhacay iyo dad kale oo guryahooda ugu tagay firirka qaraxa.

Dadka dhintay waxaa ku jira nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Xarbi Salaad Cumar oo katirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, lamana shaacin ilaa hadda xogta dadka kale ee qaraxa waxyeeladu kasoo gaartay.

Laamaha ammaanka ayaan faah faahin badan ka bixin qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho, waxa ayna saraakiil booliis sheegeen in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxa dibna laga faah faahin doono xogta iyo khasaaraga uu reebay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Donald Trump oo shaki galinaya qabsoomida kulanka uu la qaadanayo Kim John Un

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo goordhaw kasoo degay Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo dhaliilay guddigii uu Rooble u Magacaabay dhalinyarada ku maqan Eritrea

Caydiid Ali