Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyeyaal degmo oo xilalka laga qaaday ka dib wareegto soo baxday

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalka ka qaaday mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan.

Wareegto uu soo saaray wasiirka ayaa waxaa xilalka looga qaaday guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Max’ed Cabdulle Fiidow iyo ku-xigeenadiisii

Sidoo kale waxaa wasiirku uu xilalka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenada maamulada degmooyinka Balad-weyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada jalalaqsi u magacaabay Ibraahim Madoobe Nuur.

Masuuliyiinta kale ee xilalka laga qaaday, lama magacaabin weli masuuliyiintii bedeli laheyd, mana cadda sababta keentay isbedelka lagu sameeyey xubnaha ka tirsanaa maamulka gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wafdi xaqiiqo raadin ah oo loo diray xiisada ka taagan Xadka Somalia iyo Kenya

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda oo gubay Gaari ay wateen Al Shabaab iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi & Boqor Muudow oo qaadacay doorashada, eedeyna u jeediyey Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---