Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah Xarumaha degmooyinka Muqdisho oo caawa la weeraray

Dhowr qarax ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo meelo badan laga maqlay, iyadoo qaraxyada ka dib la maqlay rasaas xooggan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay bam gacmeedyo ku weerareen xarunta maamulka degmada Waaberi.

“Illaa saddex qarax ayaa lagu weeraray degmada kuwaasoo loo adeegsaday bam gacmeedyo” ayuu yiri goob jooge la hadlay allbanaadir Online oo ku sugan nawaaxiga degmada Waaberi.

Rasaas culus ayaa la maqlay qaraxyada ka dib kuwaasoo ay ridayeen ciidanka Booliska ee ilaalada ka ah xarunta degmada Waaberi.

Lama  illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan bambaano iyo tacshiirada ka dambeysay, mana jiro war ka soo baxay maamulka degmada iyo laamaha amaanka.

Qaraxyadan oo la aaminsan yahay iney ka dambeysay Al-shabaab oo weerarada noocan ah looha bartay ayaa ku soo aadaya xili ay caawa bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxdu inta badan ay xoojiso weerarada ka dhanka ah xarumaha dowlada iyo dilalka gaadmada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Khabiir ku ahaa Qaraxyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maamulka SSC oo si kulul uga hadlay talaabo uu qaaday Muuse Biixi

Caydiid Ali

Zahra Naaleeye: “Soomaaliya 30-kii sano ee u dambeeyay waa yaraaday gudniinkii gabdhaha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---