Maxaa ka soo baxay Shirkii qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Somalia?

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin ayaa  soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta oo la iskula meel dhigay habraacyada loo marayo qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

La taliyaha oo xiritaanka shirka  khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar-galinta qorsheyaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi socodka qaadista Cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysannay gaaridda in badan oo ka mid ah halbeegyadii loo baahnaa, kuwa dhimmanna sanadkan gudihiisa ayaan dhammeystiridoonaa.Ma’ahan riyo iska fudud in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee waa arrin lagama maarmaan ah si aan ula wareegno mas’uuliyadda amniga Qarankeenna’’.ayuu yiri

Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista Cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista Cuna-qabataynta hubka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -