Mashquul laga dareemayo Suuqyada Muqdisho iyo shacabka hal arrin ka cabanaya

Shacabka Muqdisho oo diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira bisha barakeysan ee Ramadaan oo la filayo iney bilaabato maalinta beri oo Khamiis ah.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado iney bilato caawa ama habeen dambe.

Hadal heynta dadka ayaa waxaa ugu badan bisha Ramadaan, waxaana suuqyada magaalada laga dareemayaa mashquul aad u fara badan ka dib markii ay ku soo bateen dadka dukaameysanaya.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee dadku ay iibsanayaan ay ka mid yihiin cuntooyinka daruuriga ah sida bariiska, baastada, burka iyo Saliida, sidoo kale waxaa aad loo iibsanayaa timirta, noocayada cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee qasacadeysan oo dad badan xiliga Ramadaanku ay isticmaalaan.

Suuqyada ugu badan ee mashquulka laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah Bakaaraha, Xamar-weyne, Suuq bacaad iyo suuqyo kale oo dhamaantood maalmahan ay ku badan tahay saxmada.

Dadweynaha ayaa ka cabanaya sicirka cuntooyinka daruuriga ah oo aad u qaaliyoobay, sida bariiska, baastada, burburka, khudaarta iyo hilibka kuwaasoo dadka qaarkood awoodi waayeen iney iibsadaan iyadoo ganacsatada looga bartay iney qiimaha sare u qaadaan marka la gaaro bisha Ramadaan, halka ay u naxariisan lahaayeen shacabkooda bisha Ramadaan.

Meelaha kale ee diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan laga dareemayo waxaa ka mid ah masaajidada oo sanad walba marka xiligan oo kale la soo gaaro lagu sameeyo dayactir, lan mariyo rinji midabo kala duwan leh oo lagu qurxinayo.

Dhinaca kale, waxaa jira qoysas tabaaleysan oo iney wax iibsadaan iska daaye aan ka war heynin in bisha Ramadaan ay soo fool leedahay, duruufaha nololeed ee ay ku jiraan oo aad u adag awgeed, waxaana dadkaas intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha barakacayaasha oo Muqdisho ku yaala, waxaana dadkaas ay la tacaalaan nolol maalmeedkooda,  mararka qaarkoodna waxay isla waayaan afka iyo gacanta.

Sidoo kale gobolada dalka ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro diyaar garow loo sameynayo bisha barakeysan ee Ramadaan inkastoo inta badan dadku ay heystaan duruufo adag oo dhinaca nolosha ah sida abaaro, inkastoo meelaha qaar ay ka bilowdeen roobabkii xiliga gu’ga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -