Raisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo ku heshiiyey dhowr qodob (Xog)

RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga Musharaxiinta oo maanya duhurkii illaa caawa shir ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa goor dhow gaaray heshiis hordhac ah oo ku saabsan xaalada caasimada iyo arrimaha cakiran ee siyaasada iyo doorashooyinka dalka.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Allbanaadir Online y sheegay in intii kulanku socday ay labada dhinac yeesheen doodo adag oo ku saabsan arrimaha la isku hayey.

Xubno ku dhow kulanka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ugu dambeyn lagu heshiiyey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:-

– In DF ay ka raali gelina ka bixiso ciidamadii ay u adeegasatay Jimcihii hore Madaxdii hore iyo Banananbaxayaal ay hor kacayeen qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta.

– In guddi baaritaan oo min 3 xubnood ah loo saaro wixii dhacay 19 Febraayo, waxaana guddigaas dhanka dowladda ku matelaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga iyo Wasiir kuxigeenka warfaafinta, halka dhanka Midowga Musharraxiinta ay ku matelayaan guddigaas C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle iyo Mustaf Dhuxulow.

– In banaanbaxii beri oo Jimce ah lagu balansanaa ee ay iclaamiyeen Midowga Musharaxiinta dib loo dhigo muddo 10 maalin ah, iyadoo Amniga ay sugeyso DF.

Waxaa haatan la diyaarinayaa War-saxaafadeed ay u dhan yihiin labada dhinac oo lagu xusayo qodobadan iyo qaar kale.

La soco wixii soo kordha..

 

- Advertisement -