Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye degmo oo caawa lagu weeraray Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray Eritrea una abaabulnaa qaab beeleed ayaa weerar ku qaaday gaari ciidan oo uu la socday guddoomiyaha Dayniile Rooble Boon.

Sida aan xogta ku helnay ciidanka hubeysan ee uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Beerey ayaa weeraray gaari uu leeyahay guddoomiyaha Dayniile Rooble Boon, xilli uu sii galayay xarunta degmada.

Iska hor imaadka ayaa socday daqiiqado kooban, waxaana goobta ka baxsaday ciidankii weerarka soo qaaday markii ay iska caabin xooggan la kulmeen, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Waxa uuna daba socdaa dagaalkan mid kale oo caawa salaadii maqrib kaddib ee isla caawa gudaha xarunta degmada ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulja degmada iyo kuwa kale oo weeraray, kaasoo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lagu eedeeyay in uu gubay Aayado Qur’aan oo si arxan daro ah loo dilay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Gobolka Gedo iyo Dowlada oo ciidamo ku daabuleysa

Cabdi Cade

Facebook oo tallaabo adag qaadaysa haddii Maraykanka laga ansixiyo sharci cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---