Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw waxa ay gaareen magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha dalka Jabuuti kusoo dhaweeyay madax sare oo katirsan dowlada Jabuuti, waxaana wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo la galbiyay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti kulan la qaadan doona Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana labada dhinac kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada wadan oo mugdi soo kala dhax galay.

Dowlada Jabuuti ayaa dhawaan ka carootay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Eritrea oo Jabuuti colaad kala dhaxeyso, waxa ayna taasi keentay in Jabuuti dowlada Soomaaliya ku dhaliisho xiriirka ay la yeelatay Eritrea iyo Booqashada Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo geeriyooday & dowlada Somalia oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia iyo Tunisia oo iskaashi ka yeelanaya saddex arrin (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Casho sharaf uu caawa Sameeyay Abiy Ahmed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---