Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Casho sharaf uu caawa Sameeyay Abiy Ahmed

Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa magaalada Adis Ababa casho sharaf heer sare ah ugu sameeyay Madaxda  ka qeyb galeysa shir Madaxeedka Midowga Afrika ee beri ka furmaya Adis Ababa.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayay ayaa ka qeyb galay munaasabada casho sharafta uu caawa magaalada Adis Ababa madaxda ugu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Madaxda ka qeyb galeysay casha sharafta Abiy sameeyay ayaa qaarkood soo xirtay darees isku nuuc ah oo caan ka ah dalka Itoobiya, waxaana munaasabada casha sharafta khudbado ka jeediyay qaar kamid ah Madaxdii ka qeyb gashay.

Magaalada Adis Ababa waxaa ku sugan Madax badan oo ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirada lagu saarayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -