Magacaabista Fahad Yaasiin Maxey ka badali kartaa Hay’ada Nabad Sugida ?

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay  Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu noqdo Agaasime kuxigeenka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Fahad ayaa horey u ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna kamid ahaa dadka saameynta muuqata ku dhax lahaa siyaasada iyo hogaaminta Madaxtooyada Soomaaliya.

Magacaabista Agaasime kuxigeenka Hay’ada Nabad Sugida Fahad Yaasiin ayaa kusoo aaday xili uu khalalaase xoogan ka dhax jiray Hay’ada Nabad sugida, waxaana dhawaan shaqada laga eryay labadii kuxigeen ee Agaasimaha Nabad Sugida.

Fahad Yaasiin oo ah nin aan khibrad badan u laheyn xaga ciidanka iyo amaanka ayaa lagu waramay in marar badan uu ku haminayay in uu noqdo Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida, hasa ahaatee aysan taasi ugu suurto galin culeesyo badan oo jiray owgeyd.

Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Fahad Yaasin la qorsheenayo marka uu bilooyin xilka Agaasime kuxigeenka hayo lana qabsado shaqada Hay’ada Nabad sugida loo magacaabo Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida.

Hay’ada Nabad sugida ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dhaxda kaga jirtay khalalaase sabababy in uu fashilmo amniga Caasimada, waxaa sidoo kale la baabi’iyay ciidankii Nabad sugida ee gobolka Banaadir.

Ciidanka Nabad sugida ayaa sadaxdii bil ee lasoo dhaafay qaadan wax mushaar ah, waxaana arintaasi sabab looga dhigay khalalaasaha iyo khilaafkii ka taagnaa Hogaanka Hay’ada Nabad sugida.

Fahad Yaasiin ayaa la rumeesan yahay in uu wax badan ka badali doono dhinaca maamulka ee Hay’ada NISA, hasa ahaatee waxaa yar rajada laga qabo in  uu wax ka badali karo xaalada amaan ee caasimada maadaama uusan khibrad badan u laheyn dhinaca ciidanka.

Sida aan xogta ku heleyno Fahad Yaasiin isaga ayaa codsaday in loo wareejiyo Hay’ada Nabad sugida Qaranka, waxaana Fahad ku haminayaa in uu wax badan ka bedelo Hay’ada Nabad sugida Qaranka oo isbadal badan ku yimid intii ay jirtay dowlada Farmaajo.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay sii xumaanayay ,waxaana aad loo dhaliilay shaqo xumada Sirdoonka Soomaaliya oo looga fadhiyay xuuraanka iyo ogaanshaha xogta cadawga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -