Dowlada Somalia oo ka gaabsatay in ay taageero u muujiso dowlada Turkiga !!

Waxaa meel xun gaaray xiisada siyaasadeed iyo dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, kadib markii dowlada Turkiga diiday in ay siideyso baadari Mareykan ah oo u xiran.

Dowlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay dalka Turkiga, waxaana cunqabateynta lagu soo rogay Turkiga saameyntiisa si weyn looga dareemay dalkaasi, waxaana dhulka galay lacagta Liiraha Turkiga.

Qadar ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo Muslim ah oo taageero u fidiyay dowlada Turkiga, Amiirka Qadar ayaana ugu deeqay dowlada Turkiga 15 bilyan oo Dollar si wax looga qabto hoos u dhaca qiimaha lacagta Liiraha.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xiisada ka dhax aloosan Mareykanka iyo Turkiga, waxaana dad badan layaab ku tilmaameen in dowlada Soomaaliya xitaa taageero afka ah u muujin weyso dowlada Turkiga oo garab iyo gaashaan u ah Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan markii uu xumaaday xiriirka Canada iyo Sacuudiga waxa ay si deg deg ah usoo saartay War Saxaafadeed lagu cadeenayo in Soomaaliya ay la jirto ayna taageersan tahay  Sacuudiga iyadoona qoraalkaasi Canada lagu dhaliilay.

Dadka Siyaasada Soomaaliya falanqeeya ayaa isweediinaya waxa ku dhacay dowlada Soomaaliya ay u cadeyn ladahay mowqifkeeda siyaasadeed ee ku aadan Xiisada Turkiga iyo Mareykanka ka dhax aloosan.

Khubaro ayaa sheegay in dowlda Soomaaliya ay ka cabsi qabto in Mareykanka xariirka u jarto hadii ay taageero u muujiyaan Turkiga, waxaa sidoo kale dadka qaar qabaan in dowlada Soomaaliya ay heesato labo daran mid dooro.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa heesta dhalashada dalka Mareykanka , waana suurto gal in sababta dowlada uu Farmaajo hogaamiyo uga gaabsaneyso in ay taageerto Dowlada Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa ah dowlada koobaad ee taageero buuxa siisa Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana nasiib daro ah in Dowladeena aysan niyada xitaa ka taageerin dowlada Turkiga oo culees adag la saaray xaalad adagna xiligan wajaheysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairob Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -