Gaadiid Dagaal iyo Maxaabiis saakay lagu kala qabsaday Dagaalkii Laascaanood

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood ee SSC ayaa saakay ka dhacay duleedka magaaladaai, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha labada ciidan ee dagaalamay kala hoggaamineysa ayaa siyaabo kala duwan dagaalka guula uga sheegtay, waxa ayna qolo walbo warbaahinta taageerta u sheegeen in dagaalka ku gacan sareeyeen.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo saakay lagu kala qabsaday dagaalka, waxaana qolo walbo soo bandhigeysay maxaabiista iyo gaadiidka ay qabsadeen.

Ciidamada Somaliland ayaa soo bandhigay dhowr nin oo ay sheegeen in ay dagaalka ku qabsadeen iyo gaari dagaal, waxa ay sidoo kale sheegeen in dagaalka ku qabsadeen hub nuucyo kala duwan leh.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada SSC ayaa dhankooda soo bandhigay gaari dagaal nuuca loo yaqaan Zuuga oo ay sheegeen in dagaalka saakay ku qabsadeen, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen maxaabiis iyana sheegeen in dagaalka ku qabteen.

Dagaalka saakay dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay xaalada magaalada ay xasilooneed, waxa uuna dagaalka sidoo kale imaanaya xilli labada dhinac ay gurmadyo badan soo gaarayeen maalmihii tagay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -