Khatar Cusub:Farmaajo iyo Rooble, ma ogyihiin in Baarlamaanka UK uu horyaaal mooshinkan ! 

Inta badan dadkeena waxaa lagu mashquuliyey siyaasadda gudaha, laakin waxaa la yaab leh marka aad ogaato in baarlamaanka Ingiriiska uu ka doodayo madaxbannaanida Somalinad!
 
Sidee halkan wax kusoo gaareen?
 
Inta aaney doodda iman baarlamaanka, waxaa in muddo ah socday doodo ahaa heer dowladaha hoose, taas oo u muuqato mid guul laga gaaray.
 
Maxaa u qabsoomay Somalinad?
 
Dadaalada lagu aqoonsanayo Somalinad ayaa waxaa ogolaaday 2019-ka ilaa 11 Xildhiban oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha in Hargeisa tahay “British protectorate” inkasta oo uu mid ka noqday, waxaa kale oo xusid mudan in ayba jiraan magaalooyin Ingiriiska ah oo mar hore Somaliland u aqoonsan dal ahaan, waxaa ka mid ah City of Cardiff, Sheffield iyo Birmingham.
 
Muqdisho oo Hurida:
 
Qoraal kasoo baxay Somalinad ayaa lagu sheegay in haddii xataa la dib dhigo mooshinka baarlamaanka ay tahay reer Somalinad ee ku sugan UK iney cadaadiyaan Xildhibaannada matala deegaan ahaan in ay ogolaadaan madaxbannaanida Somalinad, taasi oo ku tuseysa awoodda jaaliyadda Somalinad iyo istiraatiijiyadda Muuse Bixi ee isku xirka reer Somalinad gudo iyo dibadba halka Muqdisho aan laga warheyn waxaas socda, mid weliba uu ka fekerayo doorashada!
 
Haddii ay Somalinad go’do:
 
Maanta haddii ay Somalinad go’do waxaa ay Soomaaliya weydoontaa dhul dhan 177,000km2, badda cas, marinka baabul-mandab oo lagu daray 5 milyan oo dad ah, Sool iyo Sanaag iyo weliba kheyraad badan!
 
Maxa la gudboon Muqdisho?
 
Soomaaliya inta uu joogay Madaxweyne Farmaajo waxay weysay saxiibo caalamiga, iskaba daa xulafo e, UK waa tusaale cad, in maanta doodda ay heerkan soo gaarto waxay ku tusineysaa siyaasad xumida xiriirka arrimaha dibadda iyo aragti la’aanta jirta, waxayna middan soodedejineysaa baahida loo qabo in 2022-ka la tuuro Farmaajo, la dhiso dowladda xulufo la ah reer Galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska, aragtina ka leh file-ka Somaliland iyo guud ahaan siyaasadda arrimaha dibadda!
W/Q Cabdicasiis Gurbiye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -