Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Xaaji Aadan Yabarow Wiish oo sheegay inuu dacwad ku soo oogayo FIFA

Gudoomiyaha garab ka mid ah garabyadii xiriirka kubada cagta Somalia ee dhowaan doorashooyinka iska horjeeda ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dacwad ka gudbinayo xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA

Arrintan ayaa timid ka dib markii FIFA ay u aqoonsatay doorashadii Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Xassan Xaaji Aadan Yabarow oo ahaa musharax loolan adag kula jiray Cali Shiino ayaa sheegay in aanu ku ganacsayn qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo hambalyada aqoonsiga ah ee uu Cali Shiine ka helay FIFA.

Waxa uu sheegay in haddii warqada la sheegay iney ka soo baxday FIFA ay sax noqoto ay arrintaas ka gudbin doonaan dacwad dhinaca sharciga ah ayna ku kalsoon yihiin iney ku guuleysan doonaan.

Xassan Xaaji Aadan Yabarow Wiish ayaa xusay in doorashadii Cali Shiino ay aheyd mid baalmarsan shuruucda iyo xeerarka u degsan xiriirka kubada cagta Somalia,  isagoo ku andacooday ineysan aqbaleyn natiijo sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaannada golaha Shacabka oo arrin muhiim ah ka dooday Su’aalana weydiiyay Wasiirka…

Cabdi Cade

Deni oo maanta Daah-furay Ololaha Ururada Siyaasada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Mukhtaar Roobow oo Xabsiga laga soo deynayo iyo Madaxweyne Laftagareen oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---