Allbanaadir.com
NEWS

Liiska Xubnihii kusoo baxay doorashadii ka dhacday Puntland oo la shaaciyay

Dhawaan saddex degmo oo katirsan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland waxaa ka dhacday doorashada golaha deegaanka, waxaana doorashadaasi oo aheyd mid xasaasi ah ku tartamay xisbiyada ka jira deegaannada maamulka Puntland.

Doorashada golaha deegaanka ayaa ka dhacday degmooyinka Garawe , Dangoronyo iyo Godobjiiraan, waxaana dadka degan degmooyinkaasi soo dooranayeen xildhibaannada ku matelaya golaha deegaanka ee degmooyinkaasi.

Kuraasta ugu badan ee doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday saddexda degmo waxaa helay xisbiga talada maamulka Puntland haya ee Kaah, waxaana kusoo xigay xisbiga kale mucaaradka ee Horseed oo isna helay kuraas badan oo xildhibaannada golaha deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir farriin digniin ah u diray Mucaaradka Farmaajo & Maamulka Somaliland oo..

admin

Madaxweyne Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda

Cabdi Cade

Baahida dowladaha Mareykanka iyo Iran u qabaan gaarida heshiis cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---