Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray Kal-fadhigga labaad ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhigga labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ajandaha kulanka maanta ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo, iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS .

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan dowladnimada dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay qabtay shaqooyin adag, waxa ayna xildhibaanada meel mariyeen sharciyo badan oo muhiim ahaa oo horey baarlamaannadii horey u meel marin waayeen.

Related posts

Qaybta 2 aad :-Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii cajiibka ahaa ee la siiyey Nebi Muuse CS?

admin

Mareykanka oo Israel ku cadaadinaya iney joojiso weerarka aargoosiga ah ee Iran

Caydiid Ali

Maxaa sababay amni darada maalmahan ku soo korortay Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali