Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur: “Ma haboona in Madaxweynuhu shacabkiisa ka naf-jeclaysto”

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in xabsiga laga sii daayo Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ahaa Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Goobjoog, kaasoo shalay Ciidamada Booliska ku xireen Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu filayay in dowlad u hanjabtay Wariye jooga Washington inaysan kuwa jooga Muqdisho ka baxsan doonin.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO DHIGAY BARTIISA FACEBOOK OO UU ARINTAN KAGA HADLAY

Waxaan codkayga ku biirinayaa in xabsiga laga sii daayo, xorriyadiisa la siiyo wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog. Waa la filayey dawlada u hanjabtay Wariye Washignton jooga in aysan kuwa Muqdisho jooga ka baxsan doonin, laakiin la isma lahayn Madaxweynaha ayaa bilaabi doona.

Haddii uu Madaxweynu eed shakhsi ah u haysto Wariye Gurbiye dacwad ayuu hay’adda Garsoorka ka furan karaa, laakiin awooda laanta fulinta kuma caburin karo muwaadin Soomaaliyeed. Wiil Vila Somalia jooga oo awood dawladeed looga adkaysiiyo mid ficiis ah oo dibadeeda jooga waa wixii dalkaan ku rogmay.

Haddii uu Madaxweynuhu dhibsaday qaab dhigaalka qoraalka Wariye Gurbiye, waxay ahayd in uu dhibsado aflagaadadasiyaasiyiinta, madaxda iyo maamulada dalka ee xaafiiskiisa laga maalgeliyo. Waxaa madaxweynaha haysta waa wado uu isagu jeexay iyo dhaqan uu horay u jideeyey.

Tan kale, markii uu Karoona Fayris ku dhacay Raysalwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, hoygiisa No: 10 waa loogu keeni karay agab caafimaad iyo dhakhaatiir daawaysa, laakiin sababta uu Cusbitaal dadwaynaha oo idil lagu daaweeyo u tegey, waa in naf hur muujiyo, shacabkiisana ka naf jeclaysan, wixii ay qabaana la qabo. Waa tii uu Raage Oomaar ayaa bartiisa Twitter ka ku qoray “Ina adeerkeey iyo Boris Johnson isku Isbitaal ayey caawa jiifaan”

Ma haboona in madaxweynuhu shacabkiisa ka nafjeclaysto, mana ahayn in halkii ay doodu noqon lahayd heerka hoggaan ee madaxweynuhu ka qaatay hawsha culus Karoona Fayris, in ay doodii noqoto mashiinkii Madaxtooyadaa qaadatay iyo wariyihii sheegayna waa la xiray.

Waxaan ugu baaqayaa ururada suxufiyiinta, bulshada rayadka ah iyo beesha caalamka, gaar ahaan dawladihii la damqaday wariye Haaruun in ay arrinkan meel kaga soo wada jeesadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye

Caydiid Ali

Majaajiliiste Ruush ah oo si yaab leh u khiyaamay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Britain

Caydiid Ali

Mareykanka oo Weerar farsameesan oo aargoosi ah ku qaaday dowlada Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---