Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Fariin gaar ah u diray Qurba joogta Itoobiya

Dadka Itoobiyaanka ah ee kunool Qurbaha gaar ahaan wadamada reer Galbeedka ayaa mudooyinkii dambe faafinayay warar aysan jecleesan xukuumada uu hogaamiyo Abiy Axmed, kuwaa oo ku eedeenayay in tacadiyo dowlada geesatay.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa fariin uu soo diray ugu baaqay qurba joogta Itoobiya ee daafaha caalamka kunool in ay ka fogaadaan wararka been abuurka ah ee wax u dhimaya sumcada dalka iyo dowladaba.

Waxa uu ugu baaqay Abiy Axmed Qurbo joogta Itoobiya in ay kahor tagaan been abuurka ka dhan ah dowlada ee loo gudbinayo beesha Caalamka , waxa uuna xusay waxa la sheegayo in aysan wada jirin.

“Waxaan idiin kuugu baaqaya in aad ka hortagtaan wararka been abuurka ah ee ku saabsan in beesha caalamka loo sheego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka” ayuu Ra’isul Wasaare Abiy kusoo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Qurbo joogta Itoobiyaanka ayaa faafinayay warar la xariira tacadiyo dowlada ka geesatay gobolka Tigrey, waxaana ddaka inta badan wararka ka dhanka ah dowlada faafinayay wadamada caalamka madaxdoodana u dirayay u badnaayeen kuwa mucaaradka taabacsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -