Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Taliyaasha iyo Agaasimayaasha uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay taliyaal ciidan iyo sidoo kale Agaasimaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Taliyaasha ciidan uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay ayaa isugu jira kuwa horey oo khibrad badan u leh kuna soo dhax jiray ciidanka iyo kuwa cusub oo dhawaan kusoo biiray ciidanka.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Taliyaasha iyo xilalka kale uu Farmaajo magacaabay

1-Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Hawiye Habar Gidir Sacad

2-S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Hawiye Sheekhaal

3-G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hawiye Abgaal

4- Fahad Yaasiin ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Beesha Shanaad Reer Owxasan

5-S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Hawiye Habar Gidir Saca

6-G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Dir Sur

7-G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda. Daarood Mareexaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -