Madaxweyne Axmed Madoobe oo Amar cusub siiyay Golaha Wasiiradda Jubbaland (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa todobaadkan waxaa Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam uu oga warbixiyey golaha xaalada amniga, isbadalka doorasho ee ka dhacay dalka iyo guud ahaan arimaha siyaasada, Ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo magacabay ayuu alle oga baryey in uu ku asturo masuuliyada adag ee loo dhiibay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo idlaaday ololahii doorashada ee mudada fog lagu soo jiray, waxa uu faray golaha wasiirada in la dar dar galiyo shaqooyinka hortabinta leh wasaaradaha kuwaa oo ay ugu horeeyaan Hirgalinta golayaasha deegaanka, magacaabida degmooyin cusub iyo arimo kale.

Kulanka qaybihiisi dambe waxa warbixino soo jeediyey wasaaradda Amniga iyo sidoo kale wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixino la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubaland.

Sidoo kale Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa golaha oga warbixiyey tababaro kala duwan oo ay wasaaradu u qabatay ergo ka kala timid magaalaooyinka Afmadow, Ceelcade, iyo Guriceel tababarka oo looga hadlayey dhibaatada ay leedahay jarista dhirta iyo xaalufinya deegaanka.

- Advertisement -