Maxkamad mar kale amartay in la soo xiro Raisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa maanta diiday inay baabi’iso amarka soo xiris ee ra’iisul wasaare hore Imran Khan, waxaa sidaas sheegay qareenadiisa.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo boqolaal ka mid taageerayaasha Khan ay ilaalo ka hayaan gurigiisa, ayaga oo wacad ku maray inay booliska ka joojin doonaan inay xiraan.

Isku day ay booliska ku doonayeen toddobaadkan inay ku xiraan 70 jirkan ayaa horseeday dagaal dhex-maray ayaga iyo taageerayaashiisa, banaanka gurigiisa oo ku yaalla magaalada bari ee Lahore, kahor inta aanay maxkamad amrin mas’uuliyiinta inay joojiyaan Arbacadii.

Khan ayaa wxaaa xilka looga qaaday codka kalsoonida sanadkii tegay, waxaana kadib luqunta loo suray daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto.

“Maxkamadda waxay ku gacan sayrtay codsigeena ahaa in la hakiyo amarka xiris, taasi oo macnaheedu yahay in Khan la xiri karo,” waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkiisa Sher Afzal Marwat.

Si kastaba, weli ma cadda haddii booliska ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Khan, kaasi oo qareenadiisa ay u muujiyeen maxkamadda Islamabad inuu kasoo muuqan doono Sabtida.

Si kastaba, Shibli Faraz oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan xisbiga Khan, ayaa sheegay inuu u baahnaan doono “Damaanad-qaad amni” si uu uga soo muuqdo.

Kiiskan gaarka ah, oo uu soo gudbiyey Guddiga Doorashooyinka Pakistan, ayaa waxaa xudun u ah eedeymo ku saabsan in Khan uusan shaacin haddiyado uu helay intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa, ama faa’iidooyin uu ka sameeyey iibintooda.

Khan waa uu beeniyey eedeymahaas.

Booliska iyo taageerayaasha Khan ayaa waxaa habeenkii Talaadada dhex-maray dagaal, ayaga oo ridaya gaaska dadka ka ilmeysiiya, halka shacabka ay tuurayeen dhagxaan, banaanka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Zaman Park ee Lahore.

Khamiista maanta ah, boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa ilaalinayey banaanka gurigiisa, ayaga oo ka walaacsan in booliska ay soo laabtaan si ay u xiraan.

Khan ayaa sheegay inuu u cabsanayo noloshiisa haddii la xiro, islamarkaana mas’uuliyiinta ay doonayaan inay xabisaan si ay uga hortagaan inuu ka tartamo doorashooyinka oo ay qasab tahay in la qabto bisha October ee sanadkan.

VOA/AFP

 

- Advertisement -