(Daawo Sawirro) Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey saddex sharci oo muhiim ah

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐’๐ก๐š๐œ๐›๐š๐š๐ง ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad oo ajandihiisu ahaa:

Akhrinta Sedexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliyeed iyo Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

Ugu horrayn waxaa la gudagalay ansixinta sharciga Dhowrista Xogta kadib markii gudddigii ka soo shaqeeyay ay Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyay 30 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin.

Intaas kadib waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Socdaalka Soomaaliyeed iyo sharciga horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed. waxaana dood iyo falanqayn kadib la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah leh isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada.

Waqti yar oo la qaatay, lana sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ž ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ iyo ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ž ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐, waxaana ogolaaday meel marinta labadaas sharci 31 Sanatar hal Sanatar ayaa ka aamusay wax diidayna ma jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -