Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Murusade oo Hub iyo Ciidan ku wajahan Galgaduud soo bandhigtay (Sawirro)

Beesha Murusade ayaa maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kusoo bandhigtay gaadiid dagaal iyo ciidamo ciidamo badam oo la sheegay in ay dagaal la galayaan kooxda Al Shabaab.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin ,xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka iyo saraakiil ciidan ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigayay hubkan iyo ciidanka la socda.

Masuuluyiinta goobta joogtay oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankan ku wajahan yihiin gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada ay degto Beesha Murusade.

Magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan loogu soo bandhigay hub tiro badan iyo ciidan beesha Abgaal kasoo jeeda, kuwaa oo horey u sheegay in duullaan ku yihiin goobaha Al Shabaab ka joogaan deegaanadooda, mana jiro ilaa hada wax howlgal ah ay sameeyeen ciidankaasi.

Beesha Xawaadle ee degta gobolka Hiiraan ayaa dagaal dhiig badan ku daatay la gashay Al Shabaab, waxaana beeshaasi lagu tilmaamay beesha kaliya ee dagaal dhab ah la gasha kooxda Al Shabaab.

 

Related posts

Xukunno kala duwan oo lagu riday Masuuliyiin iyo saraakiil u xirnaa Musuq maasuq (Magacyada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo goor dhow iscasilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---