Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hotel uu Trump ku leeyahay Gobolka Illinois oo dacwad lagu soo oogayo

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogaya hotelka Trump International Hotel & Tower ee magaalada Chicago, isagoo loo haysto inuu jabinayo xeerarkii degaanka.

Dacwadda Lisa Madigan ayaa sheegaysa in dhismahaasi uu malaayiin litir oo biyo ah ka dhaansado wabiga Chicago River isaga aan haysanin ruqsadihii arrintaas muhiimka u ahaa.

Arrintaas waxaa kale oo dheer in hoelku uusan daraasad ku samaynin waxay arrintaasi uga dhigan tahay kalluunka wabiga ku nool, sida uu dhigayo sharciga ayay tiri.

Shirkadda Trump ayaa sheegtay in dacwaddan ay siyaasadaysan tahay, laguna doonayo in meel looga dhaco sumcadda hotelka, waxayna sheegeen iney iska difaaci doonaan eedeyn walba oo lagu soo dacweeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waxgarad kasoo jeeda Murusade oo ka qeylo dhaamiyay Dhul boob lagu hayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo hal arrin ku ammaanay Madaxweyne Xasan iyo Xamse Barre

Cabdi Cade

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo lagu weeraray duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---