Wasiir Beyle oo ka hadlay lacago la sheegay in la siiyey Xildhibaanada federaalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in si sharci darro ah lacago ay u bixiso Wasaaradiisa.

Beyle oo wareysi siinayey warbaahinta dowlada ayaa hadalkan ku jawaabay mar la weydiiyey su’aal aheyd waxa ka jira warar sheegaya lacago ka baxsan xuquuqdooda oo la siiyey xildhibaanada golaha shacabka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay inaysan jirin lacago loo adeegsaday dano siyaasadeed oo wasaadaradiisa ay bixisay lana siiyey xildhibaanada.

“Ma jirto lacag sharci daro ah oo aan bixinay mana bixin doono, lacag aan wado sax ah soo marin oo aan jiheysneyn, lana ogeyn qofka xaqa u leh, shaqadeenana waxay ku saleysan tahay sharciga maamulka Maaliyada” ayuu yiri Wasiirka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa bishii Ramadaan ee ina dhaaftay waxaa loo qeybiyey midkiiba lacag gaareysa shan kun oo dollar taasoo ka timid xafiiska raisul wasaaraha, lamana sheegin ujeedada lacagahaas inkastoo xildhibaanadii la siiyey qaarkood ay sheegeen in loogu talo galay ramadaanka iyo ciida iney iskaga maareeyaan, waxaana jirtay hadal heyn kale oo sheegeysa in dano siyaasadeed aysan ka marneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -