Masuuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo lagu weeraray duleedka Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho Qarax miino ayaa maanta halkaas lagula beegsaday gaadiid ay la socdeen  Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed oo degaankaasi  Marayey.

Masuuliyiintan la qarxiyay ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ku jiray masuuliyiintaasi Xildhibaano ka tirsan Koonfur galbeed iyo saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha saldhiga degmada Afgooye.

Guddoomiye ku-xigeenka Lafoole ayaa qiray in qarax miino lagu weeraray gaari ay la socdeen masuuliyiintan lala beegsaday qaraxa, balse uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobtaas, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in askartii la socotay taliyaha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, isla markaana ay badqabaan taliyaha Ciidanka Booliska degmada Afgooye iyo masuulliyiintii la socotay.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -