Saddex qof oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan dilal uga geestay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana dadkaasi la dilay la sheegay in ay isugu jireen saraakiil iyo ciyaal weero.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu baahiyay in howlgal xubno katirsan amniyaadka ka fuliyeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho ku dileen saddex nin oo isugu jiray saraakiil ciidan iyo ciyaal weero.

Al Shabaab ayaana sheegtay in ay dileen Col. Abuukar Cabdulle Cali Dhagey ay tilmaameen in uu katirsanaa saraakiisha ciidamada madaxtooyada, waxa ayna tilmaameen in uu ahaa madaxa diiwaanka ciidanka ilaaliya madaxtooyada.

Warka  Al Shabaab ayey sidoo kale ku sheegeen in xaafada Buulo Xuubey ku dileen Axmed Nuur Cabdi ay sheegeen in uu kamid ahaa ciyaal weerarada, halka Kaaraan ay ku dileen Cabdullaahi Sheekh Cabdi oo isna sheegeen in uu kamid ahaa ciyaal weerarada Kaaraan.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay dhallinyaro badan oo Al Shabaab sheegeen in ay ahaayeen ciyaal weero iyo kuwa ka ganacsada maan-dooriyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -