Taliyaha Nabad Sugida Mahad Salaad oo ku amaanay Aqalka sare go’aanka ay qaateen

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada, oo maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen senatarada Aqalka Sare.

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada Aqalka Sare ansixinta sharcigan la horgeeyay, waxa uuna sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay la dagaalanka argagaxisada.

Waxa uu sheegay agaasimaha NISA in sharcigan maanta meel mariyeen xildhibaanada Aqalka Sare in qeyb weyn ka qaadanayo dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isagoona tilmaamay in hirgalinta sharcigan kusoo aaday xilli muhiim ah.

Sharcigan maanta meel mariyeen xildhibaanada Aqalka Sare waxaa horey usoo ansixiyay xildhibaanada golaha shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya, waxaana sharcigan kusoo aadaya xilli dowladda dagaal kula jirto Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -