Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha…

Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay lagu weeraray taliska ugu weyn ciidanka xaslinta ee Booliisa milataare ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa lagu weeraray saldhigga ciidamada Booliisa milataare ku lahaayeen halka loo yaqaan Siisii gaar ahaan dhista , qaraxa kaddib ayeyna ciidamada fureen rasaas badan.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxan ninkii gaariga qaraxa laga soo buuxiyay waday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay lix qof oo kale oo shan kamid ah ahaayeen askarta ciidanka iyo haweeney ka dhaweyd goobta uu qaraxu ka dhacay.

Maamulka degmada Dayniile ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa is-miidaaminta ay fashiliyeen ciidanka, waxa ayna xuseen in qaraxaasi loo waday magaalada qeybo kamid ah si dadka shacabka loogu dhibaateeyo.

Maalmo kahor ayaa qarax kan oo kale ah waxa uu ka dhacay meel cidlo ah oo katirsan degmada Dayniile, waxa ayna ciidamada qabteen labo nin oo la socotay gaariga qarxay, kuwaa oo u xiran ciidanka nabad sugida Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Dayniile oo nolosha ku qabtay nin katirsanaa Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Keligii taliye Afrikaan ah oo sheegay in Somalia aysan ka jirin wax dowlad ah

Caydiid Ali

Xiisadii Imaaraadka ka abuuray Jaziirada Soqotara oo la xaliyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---