Doorashada kursi ka banaanaa Golaha shacabka oo lagu qabtay Baydhabo (Sawirro)

Doorashada kursiga Hop-176 ee Deegaan Doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed kana mid ahaa kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Kursiga Hop176 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay kana geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow.

Mukhtaar Maxamed Mursal oo uu dhalay Alle ha u naxariistee Xildhibaankii ka geeriyooday kursigaan ee Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Hop176.

Doorashada Kursigan ayaa aheyd mid loo xiray musharaxa ku soo baxay, mana jirin tartan furan oo lala galay, iyadoo haweeneyda la tartaneysay ay aheyd Malxiis.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101. Codaynta Doorashada markii la gudo galay ayaa waxaa tanaasulay musharax Khadiijo Samow Abdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Mohamed Mursal. 101 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Mukhtar Mohamed Mursal ku helay 101 cod, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176. Waxaan mudane Mukhtar Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka.

Waxaa socday Todobaadyadii la soo dhaafay buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka, waxaana qabsoontay doorashada kuraasta kala ah, Hop147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Hop86 oo horay loogu diiday Fahad Yaasiin & Kursiga HOP203 oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -