Haweeney Dhibaato gaarsiisay Xildhibaanad katirsan golaha shacabka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Gabar la dhalatay Xildhibaan Muna Khaliif (Muna Key) oo lagu eedeeyay in dhibaato gaarsiisay Xildhibaanad katirsan golaha Shacabka.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaan Muna Key iyo Xildhibaan Luul Cabdi Adan ayaa la sheegay in shalay markii uu soo dhamaaday kulanka golaha shacabka iskula dhaceen banaanka xarunta golaha shacabka.

Gabar la dhalatay Xildhibaan Muna Key ayaa la sheegay in ay gacanta ula tagtay Xildhibaan Luud Cabdi ayna gaarsiisay dhaawac midi oo wajiga kaga dhufatay, waxaana ciidamada booliiska goobtaasi ka xireen gabadha la dhalatay Xildhibaan Muna Key.

Xildhibaan Muna Key ayaa sheegtay in booliiska kasoo damiinatay gabadha la dhalatay ee la xiray, hasa ahaatee booliiska ayaa gabadhan maanta mar kale kasoo xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili ay kusii jeeday magaalada Baydhabo.

Muuqaal ay baraha bulshada soo dhigtay Xildhibaan Muna Key ayey ku sheegtay in xariga walaashey uu amray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay sheegtay in la gaarsiiyay in ay kasoo horjeeday in wax laga badelo sharciga Bangiga Dhaxe, waxa ayna xustay in loo dhibaateenayo siyaasadeeda darteed.

Dhinaca kale War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay sababta loo xiray gabadha la dhalatay Xildhibaan Muna Key in ay tahay in midi wajiga kaga dhaawacmay Xildhibaan Luul Cabdi oo katirsan golaha Shacabka Soomaaliya.

Baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa caawa dhacdadan Xildhibaanada ka dhax dhacday, waxaana baraha buldshada sidoo kale lagu baahiyay Sawirada Xildhibaanada la dhibaateeyay iyo Muuqaal ay soo duubtay Xil. Muna Key.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -